Gabar yar oo laga soo badbaadiyey burburka Dhulgariirkii Turkiga

0
248

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gabar yar oo afar jir ah ayaa laga soo saaray daar ku burburtay dhul gariir ka dhacay dalka Turkiga .

Gabadha ayaa laga helay dhismaha hoostiisa magaalada IZMIR ee dalka Turkiga taas oo qasaare xoog leh uu u geystay dhul gariirka.

91 saac ayeey dhismaha ku hoos jirtay waxaana la sheegay in shaqaalaha gurmadka ay la fajaceen arintan
Duqa magaalada IZMIR, Tunc Soyer ayaa ku tilmaamay mucjiso arintan .

Shaqaalaha gurmadka iyo dadka meesha joogay ayaa ku qeyliyay allaahu akbar rabi ayaa weyn markii ay inanta yar oo nool ay heleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here