Guddiga olombikada gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay in dhawaan ay qaban doonaan tartan isboorti

0
419

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha ururka olombikada gobolka Hiiraan Cali Maxamed Cabdi Raaxoy oo u waramay radio Beerlula ayaa sheegay in dhawaan ay qaban doonaan tartan isboorti oo dhalinyarada looga wacyi gelinayo tahriibka iyo qabylada.

Cali Maxamed Cabdi Raaxyo ayaa tilmaamay in isboortiga uu yahay is dhax gal bulsho isagoo sheegay inay diwaan geliyeen sideed kooxd oo keerka koowaad ah.

Guddoomiyaha ururka olombikada gobolka Hiiraan Cali Maxamed Cabdi Raaxoy ayaa ka codsaday maamulka gobolka, hay’addaha samafalka iyo ganacsatada inay gacan ka geystan qabsoomida tartanka isboorti ee loogu talo galay is dhax galka bulshada kaasoo dhawaan ka furmi doona magaalada Baladweyne.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here