Guddoomiyaha olombikada gobolka Hiiraan oo la doortay

0
285

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ilaa saddex musharax ayaa isku soo tagay doorashada guddoomiyaha olombikada gobolka Hiiraan balse Yuusuf Maxamed Maxamud oo ka mid ah musharixinta ayaa tanaasulay ka hor inta aysan bilaaban doorashada.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamay Faarax Cabdi Cali iyo Cali Maxamed Raaxoy iyadoon  48 xubnood oo kala socday afarta xaafaddood ee magaalada Baladweyne ay codeynayeen.

Cali Maxamed Raaxoy oo ku guuleystay guddoomiyaha olombikada gobolka Hiiraan ayaa helay 28 cod halka musharax Faarax Cabdi Cali uu helay 20 cod, waxana natiijada ku dhawaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Daahirey Nuur.

Faarax Cabdi Cali oo laga guuleystay iyo Guddoomiyaha cusub ee olomibkada gobolka Hiiraan Cali Maxamed Raaxoy ayaa si wada jir ah u sheegay inay ka shaqeyn doonaan horumarinta ciyaaraha gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaadda gobolka Hiiraan Maslax Maxamed Cismaan iyo wasiirada dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle Cabdiqani Cabdulahi Hilowle Jeenayo  ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here