Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Jalalaqsi oo la doortay

0
368

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyarada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa doortay guddoomiye cusub.

Iyadoo doorashada gudoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Jalalaqsi ay isku soo sharxeen labo musharax oo kala ah. Nuur Cabdule shaarib iyo Ismaaciil Cilmi Guure.

23 xubnood oo ka mid ah dhalinyarada degmada Jalalaqsi ayaa codeynayay doorashada iyadoo gudoomiyaha ururka dhalinyarada jalalaqsi uu ku guuleystay Cismaa ciil cilmi Guure oo helay 17 cods halka  Nuur Cabdule shaarib uu helay 3 cod, waxana halaabay saddex cod.

Gudoomiyaha cusub ee dhalinyarada degmada Jalalaqsi Ismaaciil Cilmi Guure ayaa ka dalbaday dhalinyarada degmada inay la shaqeeyaan si u guto waajibka saaran.

Gudoomiyaha dhalinyarada Ggbolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale  aaya kula dardaarmay guddoomiyaha cusub  in uu ka shaqeeyo midnimada nabada iyo is dhaxgalka dhalinyarada ku nool dagmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof  ayaa guul ku tilmaamay doorashadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here