Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle oo Baladweyne uga dhwaaqay in doorashada guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan dib loo dhigay

0
338

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadan oo ahyed mid lagu taageryay wasiirka dhalinyrada iyo ciyaaraha maamulka hirshable mudane Cabdi qani jeenyo isla markaana lagu caleemo saarayay  gudoomiyaha dhalinyarada hirshable maxamed cabdulahi buraale ayaa waxaa kazoo qeeybgalay duqa magaalada Baladweyne masuuliyiin kasocotay ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte, guddoomiyaha, Guddoomiyaha ururka horumarinta ardeyda gobolka Hiiraan Mahad Maxamed Xassan iyo xubnihii ka qeyb galay munaasabadda ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan  gudoomiyaha cusub ee dhalinyarada Hirshabelle.

Maxamed Cabdulahi Buraale siihayaha  gudmooiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan ahna gudoomiyaha cusub ee dhalinyarada Hirshabelle ayaa uga mahad celiyay dhalinyarada gobolka taagerada ay lagarabtagan yihiin isaga oo madasha ka shaciyay in dib loo dhigay doorashada guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

Duqa magaalada Baladweyne Khadar Xasan Afrax ayaa gudoomiyaha cusub ee dhalinyarada Hirshable ka codsaday in dhalinyarada Hirshabele uu gaarsiiyo doorasho cadaalad ah.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here