Guddoomiyaha ururka midnimada Hiiraan oo lagu doortay Baladweyne.

0
290

Baladweyne(Radio Beerlula)- Doorashadan oo aheyd mid ay ku tartamayeen labo musharax ayaa waxaa lagu dooranayay guddoomiyaha ururka midnimada Hiiraan islamarka hogaamin doona muddo hal sano ah.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka ururka u sharaxnaa ilaa labo musharax iyadoo gaba gabadii doorashada uu tasaansulay mid ka mid ah musharaxiinta u taagan guddoomiye ku xigeenka.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, waxgarad, dhalinyaro, iyo haween ayaa goob joog ka ahaa doorashada oo ay ku tartameen Shaafici Cabdikariin Cadow iyo Cabdi Muumin Cilmi.

Doorashadan oo ay codeynayeen 22 xubnood ayaa waxaa wareegi koowaad labada musharax ay heleen  min toban cod halka labana ay halabeen, waxana wareegi labaad doorashada guddoomiyaha ururka midnimada Hiiraan uu ku guuleystay Cabdi Muumin Cilmi sida uu ku dhawaaqay Cabdifatax xaashi oo ah  guddoomiyaha guddiga doorashada.

Guddoomiyaha cusub ee ururka midnimada Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi, musharax laga guuleystay Shaafici Cabdikariin Cadow iyo musharax ka tasaansulay guddoomiye ku xigeenka ayaa dhammaantood ballan qaaday inay si wada jir ah ugu adeegi doonaan bulshada.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa bogaadiyay doorashadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here