Haweenay Xijaaban oo madaxweyne ka noqotay dal ay Muslimiinta aad ugu yaryihiin.

0
314

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dalka Singapore ayaa markii ugu horreysay waxaa madaxweyne ka noqoneysaa haweeney muslim ah. sida laga soo xigtay wargayska Huffpost.

Xalima Yacquub oo 63 sano jir ah islamarkana ah  Muslim ah oo xirato xijaabka, ayaa waxaa lagu wadaa in xilkeeda loo dhaariyo maalin kaddib. Xalimah ayaa noqonaysa madaxweynihii Sideedaad ee uu dalkaas yeesho.

Xalima ayaa ahayd musharaxa kaliye ee buuxiyey shuruudaha qofka xilka qabanaya xilka madaxtinimo lixda sanno ee soo socota.

Doorashadan ayaa gaar ahaan waxa isugu soo haray musharixiin ka soo jeeda qaybaha bulshada ee lagada tiro badan yahay.

Qowmiyadda Malay ee ay ka soo jeeddo Xalima ayaa ah 13% boqolkiiba marka la barbardhigo shacabka dalka oo gaaraya 3.9 milyan.

Maadama ay Xalima ahayd musharaxa kaliya ee soo haray, waxay si rasmi ah ku noqoneysaa madaxweynaha iyada oo aanan doorasho la qaban.

Arrintan ayaa muran badan ka dhex abuurtay bulshada dhexdeeda.

Dalka Singapore, ra’iisul wasaaraha ayaa ah qofka ugu awooda badan dalka, madaxweynaha aysan laheyn awood badan hase yeeshe waxa uu leeyahay awoodo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here