Haweeney musqul gashay kadibna la soo baxay cunug aysan uurkiisa ka war qabin.

0
388

Baladweyne(Radio Beerlula)- Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa qabsatay hadal heynta warbaahinta iyo baraha bulshada, kadib markii ay dhashay cunug aysan uurkiisa xitaa ka war qabin.

Kylie Hagger oo 21 jir ah ayaa dukaan ku yaalla meel xaafad ah ka dalbatay suuli, iyadoo moodeysay inay xaajo caadi ah u baahan tahay.

Hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay markii ay suuligii kasoo baxday iyadoo wadata cunug yar oo ay hooyo u tahay.

Miss Hagger ayaa sheegtay in iyada lafteeda ay lama filaan ku noqotay arrintan, maadaama aysan wax war ah ka heynin in ay uur lahayd.

Dhacdadan fajicisada noqotay ayaa dacday maalintii Khamiista ahayd ee isbuucan.

Shaqaalihii dukaanka ayaa si deg deg ah ugu gurmaday si ay u caawiyaan, balse waxay umushay kahor inta aysan kalkaaliyeyaasha imaanin.

Waxay u mahad celisay howl wadeennada goobta ganacsiga iyo dhammaan dadkii shacabka ahaa ee garab istaagay isla markaana ugu deeqay qalabka carruurta.

Hooyadan ayaa horay u lahayd 2 carruur ah, mana aysan ogeyn goorta ay uurka yeelatay iyo sida ay waqtigeeda ku dhameysatay toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here