HORDHAC : Barcelona VS Atletico Madrid ? Xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta

0
365

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Barcelona ayaa kulan xamaasad iyo xiiso badan garoonkeeda kula yeelan doonta Kooxda Atletico Madriid kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee Dalka Spain .
Barcelona oo bareejo ka tuugtay Kooxda Villarreal bartamihii asbuucan ayaa misane caawa la balansan kooxda Atletico Madrid oo qatarteeda wadata .

Barca waxa laga yabaa in ay ciyaartoydooda ugu muhiimsan kulanka la nasiyo madaam ay bartamaha asbuuca ay ciyarayaan kulanka lugta kowaad ee tartanka Chmapions League waregiisa sided dhamaadka waxa ayna la balan sanyihiin Kooxda Manchester United .

Wararka labada kooxda ka hor kulanka :

Arturo Vidal ayaa ka maqan kooxda Martida loo yahay ee Barcelona madaama uu qaatay xaadkii lowgu talagay ee jaale , waxaana la eegi doona dooqa koowaad ee khadka dhexe ee booskaas badli doona .
Camp Nou.

Samuel Umtiti iyo Clement Lenglet ayaa ku dagalaamaya booska daafaca dhexe midkooda ayaana lala mataaneen doona Gerard Pique oo dib ugu soo laabaanay safka koowaad .

Hogaamiyaha ruuxiga ee Bracelona Lionel Messi ayaa dib ugu soo laaban doona safka koowaad ee madaama qaab badal uu ku soo galay kulan ciyareedkii ay bareejada ka tuugeen Kooxda Villarreal.

Geesta kale Atletico Madrid waxey kulanka helysaa adeega daafacooda Santiago Arias oo bad qaba waxa uuna booska dambeedka daafca midig kal bixi doonaa Juanfran.

Alvaro Morata ayaa kulankan ku seegaya dhaawac ka soo gaaray canqowga , waxaana la eegi doonaa in la heli karo Diego Costa oo dib ugu soo laabtay dhaawac muruqa .

Koke iyo Saul ayaa hogaamin doona khadka dhexe ee Ateletico Madrid halaka laacibka rere Argentina ee Angel Correa uu ku soo bilaaban doono kursiga keydaka .

Ogeysiiska ciyaarta :
Kulanka : Barcelona VS Atletico Madrid(La Liga )
Goobta : Camp Nou.
Goorta :9:45 oo Habeenimo
Garsoorka :Jesus Gil Manzano

Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :

Barcelona ayaa guul daro la’aan ah 18-kii kualn ee ugu dambeyey horyaalka (La Liga).

Barcelona ayaa guul daro la’aan ah 18-kii kualn ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo Atletico dhamaan tartamada
Atletico ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka (La Liga).

Barcelona ayaa dhalineysay ugu yaraan labo gool 10-kamida 11-kii kulan ee ugu dmabeeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda kulamda horyaalka (La Liga).

Atletico ayaa badisay lix ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeyey ee horyaalka (La Liga).

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here