Kooxda Liverpool oo la wareegatay hogaanka horyaalka

0
474

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim aheyd ka gaartay Kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League , natiijada ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Liverpool.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala maray bar-baro 1-1 , ciyaartoyda labada dhinac ayaana soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan .

Goolka waxaa la hormaray Kooxda Southampton waxaana u dhaliyey weerarkooda Long daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Hojbjerg.

Liverpool oo xaalada ay ku xuntahay ayaa ugu dambeen heshay goolka bareejada daqiiqadii 36-aad waxaana goolkaas u dhaliyey Keita kaddib caawin uu ka helay Alexander-Arnold.

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala maray 1-1 , nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan .

Liverpool ayaa dadaal weyn ku bixisay sidii ay ku heli laheed goolka guusha ee ciyaarta waxaana goolkaas u dhaliyey laacibkooda reee Masar ee Mohamed Salah daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta , natiijada ciyaarta ayaana noqotay 2-1.

Southampton waxaa la soo darsay niyad jab xoogan kaddib markii laga dhaliyey goolkii sedexaad ee ciyaarta daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas dhaliyey Henderson waxaana caawinteeda lahaa Firmino .

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo dhamaaday 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Liverpool oo dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here