HORDHAC : Chelsea VS Brighton ? Xogta kulanka iyo xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta

0
350

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Cardiff bilowgii todobaadkan  ayaa caawa waxa ay garoonkeeda ku soo dhaweeneysaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League kooxda Brighton.

Brighton ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee ay gaarto Bules kulamada horyaalka , geesta kale Bules ayaa wali ka quusan hamigeeda boosaska lowgu soo baxo tartanka Champions League oo dagaal xoogan uu ka jiro.

Maxaa ka cusub labada koox:

Chelsea’ xidigohooda Eden Hazard iyo N’Golo Kante ayaa dib ugu soo laaban doono safka koowaad ee Kooxda Chelsea , halka  macalin Maurizio Sarri uu soo jeediyey in da’yarka reer England ee  Callum Hudson-Odoi  uu  ku soo bilaaban doono kulankiisii ugu horeyey ee  Premier League.

Dambeedka daafca bidix ee  Marcos Alonso ayaa loo saadalin Karin in uu ciyaaro doono kulanka sababo dhaawac ka soo gaaray muruqa .

Brighton macalinkooda  Chris Hughton ayaa is badal ku sameen kara safkiisa koowaad isag oona ka taxadaraya dhaawacyo soo gaara xidigihiisa ugu muhiimsan , madaama kooxdiisa ay ciyaareyso tartanka FA Cup heeerkiis semi-final.

Florin Andone oo weerarka ka ciyaara ayaa diyaar u ah kulankan kaddib sedex kulan oo uu dhaawac ku seegay lkn  Pascal Gross  oo ka ciyaara khadka dhexe ayaa ka maqnaan doono kulankan.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Chelsea VS Brighton ( Premier League )

Goobta : Stamford Bridge

Goorta :9:45 oo habeenimo

Garsoorka : Graham Scott

Xaqiiqooyinka Ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :

Chelsea ayaa badisay dhamaan 7-kulan oo Premier League  oo ay wajahday kooxda  Brighton  iyaga oona kulmadaas ku dhalieyy 14-gool waxaa dhankooda laga dhalieyey 2-gool oo qura .

Brighton ayaa qasaartay afartii kulan ee ugu dambeyey ee ay u safrto garoonka Kooxda Bules kulamada horyaalka iyo tartamada kale , waxa ayna ku guul dareesteen in ay gool ka dhilayaan kulan kasta oo ka mid ah afartaa kulan .

Chelsea ayaa hal kulan ku qasaartay garoonkeeda xili ciyaareedkan ( 9-guul iyo 5-bareejo ) waxa ayna shabaqooda gool ka ilaalsadeen  lix ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaaraan garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa hadda heysata  60-dhibcood 31 –kulan oo Premier League oo ay ciyaartay,  waana in ka badan afar mar dhibcihii ay heysatay sandkii hore heerkan oo kale .

Brighton ayaa eeganeysa labo guul oo xiriir ah oo ay ku soo gaarto meel ka baxsan garoonkooda  markii ugu horeysay tana iyo November 2017.

Safafka macquulka ka hor kulanka :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here