HORDHAC :Man City VS Cardiff City ? kaga bogo macluumaadka kulankan oo dhameestiran iyo xiliga la daawan doono

0
350

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Man City oo hardan ugu jirta hanashada horyaalka Premier League aya garoonkeeda ku qaabili doonta kooxda Cardiff kulan ka tirsan horyaalka Premier League .

Kooxda reer Wells ayaa niyad jab weyn kala soo kulantay kooxda Chelsea madaama guul waqti dambe ay ka gareen , City wax ay weny doontaa mishiinka dhaqaajiya ee Aguero waxaana xusid mudan in Liverpool fooqa sare ay saarantahay .

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Manchester City weerarkooda  Sergio Aguero ayaa laga saaray kulankan kaddib dhaawac soo garay kulan ciyareedkii ay gusha ka gaareen Kooxda Fullham bilowgii asbuuca .

Vincent Kompany ayaa diyaar u ah kulanka kaas mudo bilk u dhow ku maqnaa dhaawac ka soo gaaray muraqa , balse laacibka guran ee  Fabian Delph ayaa wali ka maqnaan doono kooxda martida loo yahaya ee Man City .

Cardiff City dambeedkeeda dhexe ee  Jazz Richards kaas oo aan marna ku soo bilaaban kulan ka tirsan horyaalka ayaa dib ugu  soo laabtay kooxdiisa isaga oona bilaabay tawbarka kooxda kaddib muddo uu dhaawacnaa .

Dhica kale Daafcayada  kala ah  Sol Bamba iyo Callum Paterson ayaa ka maqan kooxda reer Wells oo guul daro xanuun badan ka soo gaartay kooxda Chelsea maalinimadii Axada .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka :  Man City VS Cardiff City ( Premier League )

Goobta :  Ethihad Stadium

Goorta :  9:45 oo habeenimo

Garsoorka : Jonathan Moss

Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :

Cardiff’ ayaa badisay hal kulan oo kaliya 20-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay booqoto Kooxda Man City , kulanka guusha ayaana yimid ciyaar ku dhamaatay 2-1 kaas oo ka dhacay garoon City oo waqtigaa loo yaqiinaya Maine Road sandii 1961 , natiijooyinka kaualamda ayaana kala ahaa (8-bareejo  iyo , 11-qasaaro).

Manchester City ayaa dhalineysay ugu yaraan afar gool kulan kasta oo ka mid ah afartii kulanee ugu dambeeyey ee ay guul ka gaarto Kooxda  Cardiff  kulan heer caalami ah .

Manchester ayaa badisay 18-ka mida 20-kulan oo ay ka ciyaartay  dhamaan tartamada sandka 2019 labada kulan ee haray midna waa laga badieyey ,marna bareejo ayey galeen waxaana xusid mudan in kulamadaas ay ku dhaliyeen 66-gool .

Kooxda lagu naaneeso Sky Bule ayaa qasaarin 15- ka mid ah 16-kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda kulamada horyaalka Premier League , waxa ayna ka dhigantahay in ay qasareen hal kulan oo qura , guul daradaasna waxa ay ka soo gaaraty Kooxda Crystal Palace  22 December.

Kooxda Cardiff aya qasaartay 10- kulan oo premier League oo ay xili ciyareedkan booqatay lixda koox ee ugu sareegaya horyaalka .

Eeeg safafka macquulka ah ka hor kulaka :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here