HORDHACA: Kulanka xiisaha badan ee kooxaha Dekedda Vs Jeenyo

0
389

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Dekedda iyo Jeenyo ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ciyaar qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan  ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kulankii 6-aad ee laga ciyaarayo horyaalka kal ciyaareedkan.

KULAMADA FOOL KA FOOLKA:

Afartii kulan ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arakn horyaalka Somali Premier League 3- kamid ah waxaa badisay kooxda Dekedda halka kulanka kale ay bar baro ku kala baxeyn labada kooxod.

Kulankii ugu dambeyay ay is wajahan labadan kooxod waxaa 2-0 ku adkaatay kooxda Dekedda kulan ciyaareed dhacay 12-02-18.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Jeenyo Vs Dekedda Fc

Taariikhda: 14-02-19

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

XAQIIQOOYINKA DEKEDDA FC:

Dekedda kulankii ugu dambeyay ee horyaalka ka ciyaarto fasal ciyaareedkan waxey bar baro 1-1 la soo gashay kooxda Gaadiidka waana kulankii lagu daah furay horyaalka, kaas oo dhacay 7-02-19.

Kooxda Dekedda Sanadkii la soo dhaafay aye ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League.

Wiilasha Dekedda Galabta waxaa ka hor imaan doona xidigeedii hore ee Saciid Mata kaas oo kulanka galabta u safan Naadiga Jeenyo.

Dekedda kulan galabta wax ciyaarahan kama maqnaan doono taas oo ka dhigan iney dhamaan xidigaheeda taam ay u yihiin.

Naadiga Dekedda waxey iminka fadhisa kaalinta 5-aad ee kala sareynta iyado leh hal dhibcood oo qura.

XAQIIQOOYINKA JEENYO  FC:

Kooxda kubadda cagta Jeenyo kulankii ugu dambeyay ay ka ciyaartay horyaalka sanadkan waxey 1-0 ugu soo adkaatay kooxda ay coltama ee Muqdisho City Club, ciyaar dhacday 8-02-19.

Jeenyo galabta waxey dheeleysa kulankeedii 2-aad ee horyaalka iyado ku dhiban iney ka adkaato kooxda Dekedda marka aan ka fiirino afartii kulan ugu dambeysay 3-kamid ay waa la garaacday halka kulan kalana ay bar baro ku kala baxeyn, waxeyna galabta rabta iney soo gaba gabeyso awooda Dekedda.

Wiilasha Jeenyo waxey ku jiraan kaalinta 1-aad ee horyaalka iyado leh saddex dhibcood balse waxaa la wadaag dhibcaha kooxaha kala ah Heegan iyo Midnimo.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

12/02/2018    Jeenyo FC    0 : 2     Dekedda SC

11/04/2018    Dekedda SC 3 : 0     Jeenyo FC

13/02/2017    Jeenyo FC    2 : 2     Dekedda SC

27/03/2017    Dekedda SC 4 : 0     Jeenyo FC

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar (Naani)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here