Horumar kala duwan oo ka jira degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

0
342

Baladweyne(Radio Beerlula)- Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda horumar kala duwaan, waxana magaalada ayaa laga hirgeliyay solar ku shaqeeya cadceeda kaasoo faa’ida badan ka dhax leen bulshada islamarkana u suurta geliyay in habeennkii ay furnadan goobaha ganacsiga.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Caga joof dabashe ayaa Radio Beerlula uga waramay horumarka ka socda Jalalaqsi.

Maxamed Nuur Caga joof ayaa radio Beerlula u sheegay in soolarka ku shaqeeya cadceeda ay faa’ido badan ka dhax leen bulshada magaalada.

Inta badan dadka ku nool  degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ah beeraley iyo xoolo dhaqato, waxana magaalada dhaxmara webiga shabeelle.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here