Mudaaharaadyada Hong Kong oo wali sii socda

0
324

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kumannaan ruux ayaa wali ku sugan waddooyinka Hong Kong ka dib mudaaharaadkii baaxadda waynaa ee ka dhanka ahaa hindise sharciyeedka muranka dhaliyay ee ku saabsan dhiibidda dambiileyaasha.

Dad badan ayaa waddooyinka ku baryay habeennimadii.

Wararku waxay sheegayaan in xaaladdu ay dagan tahay marka loo fiiriyo sidii ay xiisaddu u taagnayd toddobaadkii hore, booliiska la hawl galiyay ayaana yaraa, dadka mudaaharaadka soo qabanqaabiyay waxay sheegeen in mudaaharaadyada Axaddii ay ka qaybqaateen ku dhawaad labo milyan oo ruux.

Dhanka kalana Hoggaamiyaha ardayda ee Hong Kong ayaa ku baaqay inay is casisho hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam, wax yar ka dib makrii uu ka soo baxay xabsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here