In ka badan 46 ardey oo ka qalin jabisay iskuulka Hiiraan integrated

0
360

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay islamarkana ay ku qalin jabinayeen 46 ardey oo dhameysay dugsiga sare ee Hiiraan Integrated ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Maamulka iskuulka, bahda waxbarashada, waalidiin,ardeyda qalin jabisay iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.

Maamulaha iskuulka Hiiraan Integrated Axmed Yuusuf Raage,  ayaa kula dardaarmay ardeyda qalin jabisay inay sii wadan waxbarashadooda ilaa heer jamaceed.

Bahida waxbarashada iyo waalidiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa haddalo dardaaran u jeediyay ardeyda qalin jabisay.

Qaar ka mid ah ardeyda ka qalin jabisay iskuulka Hiiraan Integrated ayaa radio Beerlula u sheegay inay ku dadaaali doonaan waxbarashada ilaa heer jaamaceed.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here