In ka badan 47 ardey oo ka qalin jabisay iskuulka Hiiraan Integrated ee Baladweyne.

0
450

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkana ay ku qalin jabinayeen in ka badan 47 ardey oo dhameystay fasalka 12-aad ee iskuulka Hiiraan  Integrated ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Maamulka iskuulka,macalimiin iyo ardeyda qalin jabisay ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Maamulka iskuulka Hiiraan Integrated Axmed Yuusuf Raage ayaa ka waramaya tirada ardeyda qalin jabisay iyo heerarkii kala duwan ee ay soo mareen.

Qaar ka mid ah macalimiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa ardeyda qalin jabisay kula dardarmay inay sii wadatan waxbarashadooda.

Ardeyda ka qalin jabisay iskuulka Hiiraan Intergrated oo la hadlay Radio Beerlula ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay sii wadatn waxbarashadooda ilaa heer jaamacadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here