In ka badan kun muhaajiriin ah oo ku go’doonsan xeebaha Talyaaniga

0
183

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo badbaadinayo 1,300 oo tahriibayaal ah, oo la socday doomo aad loo buux dhaafiyay.

Ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee dalkaasi, ayaa sheegay inay ku dadaalahayaan sidii ay u caawin lahaayeen saddex markab oo u dhow gobolka koonfurta ee Calabria.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid “adag”, sababo la xiriira tirada doomaha iyo dadka khatarta ku jira awgeed.

Dadaalka samata bixinta, ayaa imaanaya ku dhawaad labo todobaad kadib markii ugu yaraan 73 muhaajiriin ah, ay ku dhinteen doon ku degtay isla gobolka.