Inter Milan oo soo bandhigtay maaliyaddeeda martida ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub

0
302

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee ka dhisan Magaalada Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay  maaliyadeeda martida ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Maaliyaddan cusub oo uu midabkeedu yahay cagaar qafiif ah, waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Nike, waxaana bandhigisteeda ka qeyb qaatay dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda ku dheesha San Siro.

Waxaa maaliyaddaan cusub shafka kaga dheggan Magaca Shirkadda Pirelli oo ay xayeysiiso, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Nike, iyadoo kuleetiga iyo afka hore ee gacmaha ay maaliyaddan ka leedahay aarad madow ah oo ay dhexda kaga taallo diilin hurdi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here