Isku-aadka Semi-finalka FA Cup Oo La Shaaciyey Iyo Man United Oo Final Isku Diyaarisay

0
112

Baladweyne (Radio Beerlula)- Isku aadka semi-finalka FA Cup ayaa lagu dhawaaqay kaddib markii ay soo dhamaadeen wareeggii siddeed-dhamaadka oo ay kasoo gudbeen afarta kooxood ee Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Coventry City.

Manchester United ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee dhamaystirta kooxaha usoo gudbay wareegga semi-finalka, kaddib markii ay 4-3 kaga adkaatay Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, waxaanay liiska kula biirtay Chelsea oo waqti hore oo maanta ahayd 4-2 ku garaacday Leicester City iyo labadii kooxood ee shalay soo gudbay ee Coventry iyo Man City.

Isku-aadka oo la sameeyey waxyar kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Manchester United guusha kaga gaadhay Liverpool, ayaa waxa uu nasiibku kala ilaaliyey naadiyada isku magaalada ah ee Man City iyo Man United, waxaanay ku kala dhaceen Chelsea iyo Coventry, taas oo keeni karaysa in ay finalka iskugu yimaaddaan Erik ten Hag iyo Pep Guardiola.

 

Manchester United ayaa waxa ay ku dhacday kooxda ugu fudud ee tartanka ku hadhay ee Coventry City oo sannadkii 1987kii ay ugu dambaysay inay soo gaadho semi-finalka FA Cup, halka Chelsea iyo Manchester City ay isku dhaceen.

Semi-finalka oo lagu ciyaari doono garoonka Wembley Stadium laba maalmood oo isku xiga oo ah April 20 iyo April 21, ayaa sidoo kale waxa finalka la ciyaari doonaa May 25.