Itoobiya oo mar kale internet la’aan ah

0
317

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxay u muuqataa in ay joogto noqotay in internet uu ka go’o dalka Itoobiya, iyadoo dadku ay khad la’aan yihiin maalintii saddexaad ee xiriir ah.

Khad la’aantii internetka ee Talaadadii iyo Arbacadii ayaa u muuqday kuwo ku meelgaar ah.

Arrintan ayaana ku soo aaday iyadoo imtixaanaadka qaranka ee iskuulladu uu socdo, dadka ayaana isla dhex maray in dawladdu ay khadka u jartay si ay uga hortagto qishka imtixaanka.

Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom oo ah midda kali ah ee internetka dalkaas bixisa ayaa laanta Afka Amxaariga ee BBC u sheegay in aysan ruqsad u haysan in ay ka hadlaan arrinta internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here