Jamal Musiala Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa

0
67

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jamal Musiala ayaa diiday heshiis cusub oo uu u saxiixo kooxda Bayern Munich xilli uu bartilmaameedsanayo xagaaga u dhaqaaqista horyaalka Premier League.

Manchester City iyo Liverpool ayaa safka ugu jira saxiixa Musiala. Labada kooxood ee Ingariiska ayaa dhawaanahan safaro indho-indhayn ah u galay soo daawashada ciyaaryahankaan gaar ahaan kulankoodii Bayer Leverkusen.

Waqtigaas waxaa Musiala miiska u saarnaa qandaraaska cusub ee ay u soo bandhigtay Bayern Munich oo gaaraya 150 kun ginni toodbaadkii, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu tan iyo markaas ku wargeliyay kooxda Bundesliga ka dhisan inuusan saxiixi doonin – taasoo sii hurineysa wararka la isla dhexmarayo iee sheegaya nuu ka tagi doono kooxda bisha July.

City ayaa go’aankaas ka war heshay usbuucii hore waxaana isa soo taraya kalsoonida ay ku qabaan inay ku guuleysan karaa saxiixa xiddigaan 21 jirka noqday todobaadkii hore. Laakiin Liverpool kaliya ma ahan kooxda Ingariiska ah ee Pep Guardiola ku ciriirineysa saxiixa xiddigaan 25ka jeer u saftay xulka Jarmalka.

Chelsea ayaa sidoo kale xiiso xoogan u muujineysa xiddig mar ka tirsanaa akadeemigooda. Waxaa la filayaa in ay soo galaan tartanka  isla marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dhamaadka xilli ciyaareedkan.