Joan Laporta Oo Shaaciyey Dalab Waalli Ah Oo Laga Soo Gudbiyey Lamine Yamal

0
109

Baladweyne(Radio Beerlula)-Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Laporta ayaa shaaciyey in dalab waalli ah laga soo gudbiyey xiddiga da’da yar ee usoo baxay kooxdaas ee Lamine Yamal oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada isla markaana rikoodho badan jabiyey xilli-ciyaareedkan iyo fasalkii hore.

Lamin Yamal oo waqtigan ku maqan ciyaaraha caalamiga ah oo uu u dheelayo xulka qaranka Spain ayaa waxa muddooyinkii dambe la isla dhax-marayey inay doonayso kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Iyadoo hadalkaasi taagan yahay ayaa waxa maanta la hadlay saxaafadda madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta oo xaqiijiyey in kooxdiisa uu soo gaadhay dalab xambaarsanaa lacag dhan €200 milyan oo Euro oo laga soo gudbiyey wiilkooda Lamine Yamal laakiin ay iska diideen.

Laporta oo ka hadlayay mustaqbalka Lamine Yamal ayaa yidhi: “Waxa aanu helany dalabyo waalli ahaa, waxaananu iska diidnay mid ka mid ah dalabyadaas oo ahaa €200 milyan oo Euro oo lagu doonayey Lamin Yamal, ma jirto fursad aanu ku iibinayno.”

Madaxweyne Laporta oo hadalkiisa sii wata ayaa sharraxay sababta aanay u iibinayn Lamine Yamal iyo xiddigaha kale ee kooxda, waxaanu yidhi: “Lamine waanu ku kalsoonahay, umana baahnin in aanu qofna iibino.

“Waxa aanu helnay dalabyo kale oo laga soo gudbiyey Balde, Fermin, Pedri, De Jong, Araujo, iyo midka ugu weyn oo ahaa Gavi, laakiin ma doonayno in aanu iibino.”