Jose Mourinho oo lagu wado inuu tababaro u noqdo labo kooxood midkood.

0
372

Baladweyne(Radio Beerlula)- Macallin Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa inuu go’aansaday inuu irdaha u furo inuu noqdo tababaraha midkood labada kooxood ee Lyon ama Monaco.

Mourinho ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga cayriyey xilka tababarennimo ee kooxda Manchester United bishii December, hoggaamiyaha reer Portugal ayaana dhawaan muujiyay inuu doonayo inuu qabto shaqo cusub bisha June.

Jariiradda L’Equipe ayaa warinaysa in Mourinho uu xiiseynayo in loo magacaabo tababaraha xiga ee midkood kooxaha Lyon iyo Monaco.

Bruno Genesio iyo Leonardo Jardim ayaa haatan maamula labadaas kooxood ee ka dhisan France, laakiin waxa ay u muuqataa in macallinka reer Portugal ee Mourinho uu doonayo inuu qibraddiisa ka bilaabo waddan cusub.

Lyon ayaa fadhisa kaalinta saddexaad ee horyaalka Ligue 1 ee Waddanka Faransiiska, waxaana ay 24-dhibcood ka dambeysaa hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Paris Saint-Germain, halka Monaco ay ku jirto kaalinta 16-aad ee kala sarreynta horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here