Jude Bellingham Oo Ka Hadlay Ganaaxii Labada Kulan Ee Horyaalka La Liga Ee La Duldhigay

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)Jude Bellingham ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay maamulka La Liga u ganaaxeen labo kulan ka dib casaankii uu qaatay kulankii Valencia markii uu ka carooday goolkii laga diiday waqtigii dhimashada ciyaarya.

Bellingham ayaa wareysi siiyay Movistar+ oo ka soo baxda Spain, iyagoo weydiiyay dareenkiisa ku aadan ganaaxa la duldhigay, wuxuuna ku jawaabay:

“Waxa kaliya aan oranayo waxay tahay, wixii dhacay way dhaceen, garsooraha iyo go’aankiisii uu ku yeeriyay seeriga. Waa inaan xusuusnaano inuu garsooraha bani’aadam yahay laakiina aniguba bani’aadam baan ahay, waxaa fiicneyd inay masax adeegsadaan marka ay garsoorayeen hab dhaqankeyga.”

Jude Bellingham ayaa sheegay in sababta labo kulan loo ganaaxay inay tahay inuu yahay ciyaaryahan ku cusub La Liga oo la doonayo in tusaale laga dhigo.

“Ma anaan dhihin wax aflagaado ah, ma aanan dhihin wax ka duwan wixii ay yiraahdeen asxaabteyda, waxaan aaminsanahay madaama aan cusbahay inay doonayaan inay tusaale iga dhigaan.

“Waa inaan qaado mas’uuliyada hab dhaqankeyga, ma ahan mid aan ku faanayo, laakiin ganaax labo kulan ah waa mid doqonimo ah laakiin waa labo kulan oo aan kooxda ka soo taageeri doono taribuunka.”

Jude Bellingham ayaa ganaax labo kulan ah ku seegaya horyaalka La Liga ka dib markii guddiga baarayay casaankii uu qaatay kulankii Mestalla Stadium ay aamineen inuu si carro leh u la hadlay garsoore Gil Manzano.