Jurgen Klopp Oo Ciyaartoydiisa Uga Digay Khatarta Laba Xiddig Oo Manchester United Ah

0
105
Liverpool manager Jurgen Klopp (left) and Manchester City manager Pep Guardiola embrace before the Premier League match at Anfield, Liverpool. PRESS ASSOCIATION Photo. Picture date: Sunday October 7, 2018. See PA story SOCCER Liverpool. Photo credit should read: Martin Rickett/PA Wire. RESTRICTIONS: EDITORIAL USE ONLY No use with unauthorised audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 120 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo Manchester United ah oo halis gelin karaya kooxdiisa oo ay ka taxadari doonaan.

Liverpool ayaa maalinta Axadda safar ku tegi doonta Old Trafford oo marti ugu noqon doonto Manchester United oo ay ku kala calaf-qaadi doonaan wareegga siddeedda tartanka FA Cup, iyadoo midkood u gudbi doonta semi-finalka, halka midda kalena ay sidaas kaga hadhi doonto tartanka.

 

Red Devils ayaa waxa ay dib u heshay oo taam u ah ciyaartan weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo kasoo laabtay dhaawac uu ku maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana uu tababare Jurgen Klopp sheegay in ay ka taxadari doonaan laacibkan oo toddoba gool dhaliyey, laba kalena caawiyey lixdii ciyaarood ee Premier League ee ugu dambeeyey ee uu ciyaaray.

 

Jurgen Klopp oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa kale oo uu sheegay in Man United ay dib u heshay Aaron Wan-Bissaka oo uu ku tilmaamay ciyaartoy khatar ah, waxaanu yidhi: “Isbeddel ayuu samayn karayaa Wan-Bissaka haddii uu taam noqdo wareegga siddeedda.

 

“Waxa aanu isku dayi doonaa in aanu isku diyaarino. Mar kale, waxa aanu galnay xaalad ahayd in aanu ciyaarnay Khamiistii [Europa League], waanuse la tacaali karnaa.

 

“United waxay haysatay toddobaad dhan oo ay isku diyaariso. Ten Hag wuu yaqaanaa sida loo ciyaaro, markaa waxa uu la iman doonaa loollan, annaguna waa in aanu diyaar u noqonno wax kasta.

 

“Rasmus Hojlund ayaa diyaar ah. Wan-Bissaka ayaa soo dhow, waxa ay samaynayaan isbeddel, laakiin waynu arki doonaa Axadda.”

 

Jurgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Mar walba way adag tahay in lagu ciyaaro halkaas (Old Trafford), waxa aanu isku dayi doonaa in aanu shaqadayada ku qabsano garoonka. Ma jirto koox ay guul damaanad u tahay, kaliya waa fursadaha oo laga faa’iidaysto, annaguna waanu isku dayi doonaa.”