Jurgen Klopp Oo Magacaabay Tababaraha Uu La Doonayo Liverpool

0
62

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa usii dooray naadigiisa tababaraha uu doonayo inuu shaqada kala wareego marka uu isagu ka tago dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu u xulay macallin ay dunida oo dhan indhaha ku hayso natiijooyinka uu ka keenayo garoomada xilli-ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa si lama filaan ah bishii January ugu dhawaaqay inuu ka tegayo Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan oo uu soo gabogabayn doono muddo sagaal sannadood ah oo uu hoggaaminayey Reds.

Tababareyaal badan ayaa lala xidhiidhinayaa Liverpool, waxaase uu Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlay uu shaaciyey magaca macallinka uu doonayo in kooxda uu ka dhaxlo marka uu isagu macasalaameeyo bisha June, waxaana uu u dooray Xabi Alonso oo ah tababaraha kooxda Bayer Leverkusen.

Alonso oo usoo ciyaaray Liverpool, Real Madrid, Bayern Munich iyo Real Sociedad, ayaa kooxdiisa Bayer Leverkusen ay hoggaanka u haysaa hoggaanka horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, waana kooxda kaliya ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin ee aan wax guul-darro ah la kulmin xilli-ciyaareedkan oo dhan dhamaan tartamada.

Jurgen Klopp oo ka hadlayay sababta uu Xabi Alonso ula doonayo Liverpool ayaa waxa uu yidhi: “Xabi waxa uu qabanayaa shaqo cajiib ah. Haddii aniga aad i weydiin lahaydeen siddeed usbuuc ka hor intii aanay soo bixin hadal-hayntaydu, waxa aan idiin sheegi lahaa in Xabi Alonso aan doonayo inuu noqdo tababaraha Liverpool. Waxa aan idin odhan lahaa ‘Yaa Allah’.”

“Haddii aad doonaysaan Ancelotti, Mourinho, Guardiola iyo aniga, midkaayana ma samayn karo waxa uu samaynayo Xabi. Waxa laga yaabaa in Mourinho uu samayn lahaa laakiin intayada kale ma samayn karno 20ka sannadood ee soo socda. Sidaa daraadeed, mar horeba jiilkii nagu xigay way soo baxeen, Xabi-na waxa uu ku jiraa qaybta heerka sare ah.”

Jurgen Klopp waxa kale oo uu dul-istaagay sida degdegga ah ee Xabi Alonso uu isbeddelka ugu sameeyey Bayer Leverkusen oo 16 bilood ka hor markii uu la wareegay ku jirtay kaalinta ugu hoosaysa horyaalka Bundesliga, haddana qarka u saaran inay ku guuleystaan horyaalka Bundesliga, German Cup iyo DFB Pokal halka Europa League ay yihiin kooxda sida weyn loogu saadaalinayo.

Klopp oo ka hadlayay arrintan ayaa yidhi: “Aniga waxa layaab igu8 noqotay sida degdeg ah ee uu kooxda isbeddelka ugu sameeyey ee uu usoo kiciyey.”