Baladweyne(Radio Beerlula)- Kenya ayaa deriskooda bariga Afrika ee Tanzania uga badiyay 3-2, waana guushii labaad ee ay abid ka gaaraan Koobka Qaramada Afrika.
Kenya hal jeer ayeey soo badisay 15kii kulan oo hore ee ay soo ciyaareen Koobka Qaramada Afrika waxa ay haatan ledahay seddex dhibcood labo kulan oo ay ciyaareen Group C
Macalinka Kenya Sebastian Migne ayaa ciyaarta ka hor sheegay in la joogo waqtigii kooxdiisa oo markii lixaad ka qeyb qaadaneysa Koobka Qaramada Afrika ay joojin laheyn inay ku soo kufto wareega ugu horeeya.