Khabiirka BBC Sports Oo Saadaaliyey Kulamada Usbuucan

0
152

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton ayaa saadaal wajiyo badan leh ka sameeyey kulamada horyaalka Premier League iyo semi-finalka FA Cup ee toddobaadkan, waxaana uu muradii ugu weynayd usii sheegay Manchester United oo koox heerka labaad ah ay soo afjari doonto rajadeeda FA Cup, halka Arsenal ay dib ula soo noqon doonto hoggaanka horyaalka Premier League.

Chelsea iyo Manchester City ayaa garoonka Wembley ku kala calaf-qaadi doona semi-finalka FA Cup, iyadoo Pep Guardiola ay kooxdiisu u dagaallamayso inay difaacato laba ka mid ah saddexdii koob ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay laakiin uu farahooda ka baxay Champions League oo ay Real Madrid ku reebtay wareegga siddeedda.

Chris Sutton oo saadaaliyey ciyaartan ayaa waxa uu sheegay, in Man City ay garaaci doonto Chelsea, isla markaana finalka ay iskugu iman doonaan Coventry City oo uu iyagana saadaaliyey inay kasoo badin doonaan Man United.

Dhinaca horyaalka, waxa uu Chris Sutton saadaaliyey ay guul cidhiidhi ah ka gaadhi doonto Wolves oo ay hal dhibic ka sare mari doonto City oo kulankeeda usbuucan ee horyaalka loogu baajiyey FA Cup, balse waxa uu khabiirka BBC Sports murugo kale u sheegay Liverpool oo uu xusay inay barbarro 1-1 ah la geli doonto Liverpool taas oo haddii ay run noqoto ka dhignaan doonta in xilli-ciyaareedkani uu mugdi ugu dhamaanayo Jurgen Klopp oo uu hadda ka shaqayn doono bixitaankiisa maadaama uu dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegayo Anfield.

Saadaasha Chris Sutton ee kulamada usbuucan

FA Cup

Man City 3-0 Chelsea

Coventry 2-1 Man United

Premier League

Sabti

Luton 1-1 Brentford

Sheffield United 1-2 Burnley

Wolves 0-1 Arsenal

Axadda

Everton 2-1 Nottingham Forest

Aston Villa 2-1 Bournemouth

Crystal Palace 2-1 West Ham

Fulham 1-1 Liverpool