Khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan oo cirka isku shareeray

0
326

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowlada Iiraan ayaa si kulul uga jawaabtay hanjabaad ka soo yeertay Mareykanka.

Wasiirka arrimiha dibadda ee Iiraan ayaa Mareykanka ugu baaqay in ay joojiyaan hanjabaada ay Iiraan u jeedinayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa si wayn u qaadacay hadalkii ka soo yeeray madaxwayne Trump ee ahaa “in Iiraan ay baab’in donaan”

Mr Zarif ayaa uga digay Mareykanka inay u hanjabaan Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in madaxwaynaha Mareykanka ay tahay in uu dib u milicsado taariikhda.

“Iiraan si geesinimo leh ayay ugu istaagtay iyada oo dhammaan dadkii soo weeraray ay tageen aan is xusmayno” ayuu yiri Mr Zarif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here