Kooxaha Kooshin iyo Waaberi ayaa galabta fooda isku dari doona Baladweyne

0
165

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa galabta waxaa ku wada ciyaari doona kooxaha Kooxaha Kooshin iyo Waabari kuwaasi oo qeyb ka ah tartanka kubadda cagta Ramadaanka ee Baladweyne.

Kulankan ayaa lagu ciyaari doona Garoonka Buula-xaableey iyadoo ciyaarta bilaaba doonto 4;30 pm

Kulanlkan ayaa ah kulankii 2 aad ee laga ciyaaro tartankan waxaana koox kasta ay isku diyaarineeysaa sidii guul ay uga soo hooy lahaayeen.