Kooxda Chelsea oo guul muhiim u aheyd ka gaartay West Ham

0
407

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay Kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka Premier League , kaddib ciyaar ku soo dhamaatay 2-0 .

Kulan ciayreedka qeebtiisa koowad oo aheyd mid aad u xiiso badan waxaa gool la hormaray Kooxda  Bules oo ku gacan sareysay ciyaarta qeebteeda koowaad .

Laacibka reer Bilgium ee Eden Hazard ayaa goolka u dhaliyey kooxdiisa Bules daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay laacibka reer Italy ee  Jorginho , natiijada ciyaarta ayaa noqaty gool iyo waxba .

Kooxda Westa Ham ayaa ku fashilantay in ay sameeso hal isku day xitaa qeebtii  koowaad ee ciyaarta oo ugu dambeen ku gaba gaboobay Bules oo gool la hortmartay .

Waqti nasiino kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan Kooxda Chelsea ayaa mar kale garoonka ku soo gashay dar dar xoogan iyaga oona sameeyey fursado badan oo gool loo filan karay .

Kooxda West Ham ayaa sameesay fursado ay dhow ah oo ay ku dooneysay in ay isaga soo aar gudo goolka deenta ah ee lagu lee yahay balse uma suura galin ay jaanisyadaas ay gool u badalaan .

Dhaliaya goolkii koowaad  ee Hazard oo si weyn kaga dhex muuqday ciyaarta qeebtii dambe ciyaarta ayaa  mar kale dhaliyey gool kale oo labaad daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Ross Barkley.

Westa Ham ayaa ka niyad jabta ciyaarta kaddib markii lagu hogaamiyey 2-0 , ugu dambeen natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku awood sheegatay kooxda Bules oo dib ugu soo laabtay afarta sare ee horyaalka .

Chelsea vs West Ham: Premier League table, fixtures and scores from Stamford Bridge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here