Liverpool VS FC Porto ? maxaad kala socotaa xidigaha maqan

0
411

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda ku soo dhaweneysa kooxda Reer Portugal ee Porto kulanka lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka tartanka Champions League .

Liverpool oo sandkii hoore gaartay finalka tartanka Champions league ayaa sanadkan dooneysa in ay xaqiijiyaan hamikooda in ay ku guuleestaan tartanka wallow kooxo kale oo adag ay wali qeeb ka yihiin tartanka .

Dhiaca kale kooxda Porto oo kulankan ay ka mqanyihiin xiidgo muhiim ayaa samen karta taarikh iyada oo la og yahayn qaabkii ay kaga soo gudbeen kooxda reer talyaani ee Roma .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Jordan Henderson iyo James Milner ayaa dib ugu soo laabanya safka koowaad kulankan kaddib markii ay lumi yeen dooqa xulashada koowaad kulankii ay la ciyareen Kooxda southampto maalinimadii jimcihii .

Joel Matip ayaa laga dheehan karay dul dulleelo aad u fara badan kulan ciyareedkii Southampton isag oona soo bandhigay qaab ciyaareed uusan ku qancin macalinka reer Germany  ee Jurgen Klopp waxaana suura gal noqon kara in uu lumiyo booskiisa , Dejan Lovren ayaa rajeenaya in uu safto kulankii ugu horeeyey tan bishii  January.

Alex Oxlade Chamberlain iyo Joe Gomez ayaa dhamaantood ku soo dhawaanya in ay dib ugu soo laabtaan kooxda koowaad balse waxaa laga saaray magacyada ciyaartoyda ee kulankan.

Pepe iyo Héctor Herrera ayaa laba dooduba  ka ganaaxan kooxda  Porto, halka  Danilo, Otavio iyo Eder Militao ay dhamaantood hal jaale u jiraan in ay seegaan kulanka lugta labaad .

Alex Telles ayaa lowga saaray ciyaarta dhaawac soo gaaray kulla ciayreedkii dhawaan kooxda Porto ayaa niyad jab weyn u aragta in ay wayaan mid ka mid xidigeheeda ugu muhiimsan kulanka caawa , blasé lama xaqiijin in uu kulanka seegayo .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Liverpool VS Porto ( Champions League )

Goobta : Anfield

Goorta : 10 :00 oo habeenimo

Garsoorka : Antonio Mateu Lahoz (ESP)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey kulanka:

Liverpool marna qasaaro kalama kulmin Kooxda Porto oo ay horey u kulmeel lix kulan oo tartamada yurub ah   (3-bareejo iyo 3-guul ) .

Rikoorka guul la’aanta ee Porto kaliya kama heysato Kooxda Liverpool sidoo kale waxa ay awoodi weysay in ay guul ka gaarto kooxaha  Zenit St Petersburg iyo Juventus oo min afar kulan ay la ciyaartay .

Porto ayaa ku guul dareesatay in ay badiso 12-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ay ciyaarto kulamada bug baxa ee tartanka Champions League (4-abreejo iyo 8-qasaaro) waxaa guul ugu dambeysay ciayaar 1-0 ay kaga adkaadeen kooxda  Deportivo La Coruna sandkii 2004.  Waqtigaas oo ay noqdeen ku guuleestayaasha tartanka waxaan xilikaas hogaamiye u ahaa Jose Mourinho.

Mane ayaa safan kara kulankiisaa 20-aad ee tartanka Champions League isaga oona dhaliyey 13 gool 19-kulan oo uu saftay , kaliya shan xidiga ayaa dhalieyey wax ka badan 13-gool 20-koodii kulan ee ugu horeeyey taariikhda waana xidigaha kala ahy: Alessandro del Piero (14), Ruud van Nistelrooy (16), Andriy Shevchenko (14), Jari Litmanen (14) iyo Roberto Soldado (16).

Porto weerarkooda  Moussa Marega ayaa noqon kara xidgii Afaraad ee taariikhda tartanka  Champions League dhaliya gool 7-kulan oo xiriir ah , horey waxaa sidan u sameeyey  xiidgaha kala ah  Edinson Cavani, Ruud van Nistelrooy iyo Cristiano Ronaldo.

 Safafka macquulka ee labada Koox :

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here