kooxda Horseed oo laga saaray Tartanka Ramadaan Cup ee Baladweyne.

0
71

Baladweyne(Radio Beerlula)-Guddiga tartanka Ramadaanka ee Magaalada Baladweyne ayaa gabi ahaanba tartanka ka saaray kooxda Horseed kadib gacan ka hadal ay sameeyeen kulankii galabta ay la ciyaareen kooxda Buulaxaabley.

Sidoo kale guddiga ayaa uga baaqay kooxaha kale in aay ilaaliyaan sharciga tartanka haddii kale aay la kulmi doonaan ganaaxyo kala duwan.

Tallaabadan guddiga aay qaadeen ayaa durba aad loogu amaanay si loo ilaaliyo habsami u socodka tartanla Ramadaan Cup oo si xamaasad leh ku socda.