Kooxda Inter Milan oo guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Kooxda AC Milan

0
353

Baladweyne(Radio  Beerlula)- Kulan ciyareedkii darbiga ahaa ee u dhaxeyey kooxaha Ac Mila iyo Inter ayaa ku soo dhamaaday (3-2) oo guushu ku raacday kooxda Inter .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hor martay kooxda Inter .

Bilowgii hore ee ciyaartaba xidiga reer Urugay ee Vecino ayaa daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta u dhaliyey gool kooxdiisa Inter kaddib caawin uu ka helay xidiga lagu magacaabo Martinez.

AC Milan ayaa sameesay isku dayo dhowr ah oo gool loo filan karay balse uma suura galin in ay gool u badlaan jaanisyadaas ay heleen .

Kulan ciyareedkanqeebtii koowaad ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Inter Milan oo marti aheyd.

wati nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid ka xiiso badan qeebtii koowaad .

Inter ayaa ku soo gashay qaab ciyaareed xowli ah iyaga oona bilowgii hore ee qeebtii dambe ee ciyaarta helay gool kale oo labaad waxaana goolkaas u dhalyey daafacooda lagu mafacaabo De Vrij daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta.

Natiijada ciyaarta ayaa noqotay 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Inter balse Milan ayaa iska celisay hal gool oo deen ah kaddib markii uu gaaray shabaqa kooxda Inter laacibka reer Farnce ee Bakayoko daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta natiijada kulanka ayaana isku badalay 2-

Xidiga 21-jirka ee reer Argentina ayaa daqiiqadii 67-aad ciyaarta kooxdiisa u dhaliyey gool rigoore ah waxauuna ciyaarta ka dhigay 3-1 kaddib inta aysan Milan la imaan goo kale oo labaad waxaana u dhaliyey Musacchio oo ciyaarta ka dhigay 3-2 .

Xamasada kulanka ayaa siyaaday Milan waxa ay baadi goob u gashay helida goolka bareejada ee ciyaarta halka Inter aya ku dhabar adeegeyso in ay difaacato goolkeeda .

Ugu dambeen kulanka ayaa ku dhamaaday 3-2 oo ay guushu ku raacday kooxda Inter Milan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here