kooxda Laabka oo 5-iyo 3 uga adkaatay kooxda Ciisediin.

0
114

Baladweyne(Radio Beerlula)-Garoonka buulaxaableey ee magaalada Baladweyne waxaa si habsami leh ugu socdo tartanka Ramadaan Cup oo loo qabtay Kooxaha ka dhisan Magaalada Baladweyne.

Galabta waxaa fooda is daray  kooxaha Laabka iyo Ciisadiin  oo ka kala dhisan Xaafadaha Xaawo taako iyo Buundaweyn.

 

Labada koox ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo koox waliba ay dooneysay in guul gaadho balse lugta koowaad ee tartanka waxaa guul muhiim gaadhay Kooxda Laabka oo dhigeeda Ciisediin ugu adkaatay 5 iyo 3.