Kooxda Real Madrid oo wada doonaysa in Paul Pogba iyo Eden Hazard wada geyso garoonka Santiago Bernabeu

0
366

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay wada doonayso inay la wareego labada ciyaaryahan ee ka dheela horyaalka Ingiriiska ee Pogba & Hazard.

Naadiga ka dhisan caasimadda Spain ee Los Blancos ayaa wada doonaysa inay soo xero geliso labadan ciyaaryahan ee ka dheela horyaalka Premier League.

Jariiradda AS ayaa soo jeedinaysa in kooxda Real Madrid ay diyaar u tahay inay hami weyn geliso kooxaha ka dhisan Premier League si ay ugu dhaqaaqdo soo qaadashada Paul Pogba iyo Eden Hazard.

Laacibka khadka dhexe Manchester United, Paul Pogba iyo weeraryahanka Chelsea ee Eden Hazard ayaa bartilmaameed u ahaa muddo dheer kooxda ka dhisan garoonka Santiago Bernabeu, waxaana ay Los Blancos haatan diyaar u tahay inay ka gudbiso dalabyo hor leh.

Chelsea ayaa isku dayi-doonta inay noolaato la’aan Hazard, waxaana ay rabtaa inay bedelkiisa ka soo qaadato ciyaaryahan Coutinho kooxda Barcelona, halka Man United aysan diyaar u ahayn inay si fudud ku dirto laacibkeeda ugu qaalisan ee Pogba.

Macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo jeediyey dhowaan inay Pogba uu ku faraxsan yahay kooxda, isla markaana uu doonayo inuu sii joogo waqti dheer Old Traffrod.

Real Madrid ayaa doonaysa inay la saxiixato labada ciyaaryahan ee Eden Hazard iyo Paul Pogba xagaagan kaddib markii ay ku adkaatay inay PSG ka soo qaadato weeraryahanka da’da yar ee Kylian Mbappe.

Hazard ayaa heshiiskiisa Chelsea waxa uu ku eg yahay sanadka 2020-ka, waxaana uu diiday inuu heshiis cusub saxiixo taasoo keentay cabsida ah inuu ugu dambeyntii u dhaqaaqi doono xagaagaan kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here