Kooxda Waaberi oo 6-1 uga badisay kooxda Kooshin.

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Garoonka Kubada cagta Buulo xaableey ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa si habsami leh ugu socdo tartanka Ramadaan Cup waxaan galabta kulan Xiiso badan wada Ciyaaray Kooxaha Waaberi iyo Kooshin oo kawada dhisan Xaafada Kooshin.

Garoonka waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaasha labada kooxood iyo mucaashiqiinta kubada cagta iyada oo labada kooxood  ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo koox waliba ay dooneysay in guul gaadho lugta koowaad ee ciyaarta.

Lugta koowaad ee ciyaarta ayaa waxaa guul muhiim qaatay kooxda Waaberi oo dhiga Kooshin ugu adkaatay Natiijo ahaan lix iyo Hal.

Si kastaba ha ahaaate labada kooxood ayaa doonaya in ay u gudbaan wareega xiga ee is reereebka balse waxaa fursad fiican u haysta Kooxda Waaberi oo galabta guul muhiim ka gaartay Kooxda kooshiin ciyaar kusoo dhamaatay 6-1 oo ay guusha ku raacday Waaberi.