Baladweyne(Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Degmada Beledweyne mudane Omar Alasow ayaa shir Gudoomiyay shir lala yeeshay Howl-wadeeno kasocday mashruuca PIU Wold Bank, UNPOS iyo Shirkada Geotech ee sameeyneyso qiimeynta wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha laga hirgilinaayo magaalada Beledweyne.
Howl-wadeenada iyo Engineerada ayaa gudoomiyaha degmada uso bandhigay qorshaha dhismooyinka wadooyinka magaalada oo qaab casri loo dhisaayo iyo buundooyin lagu soo kordhinaayo magaalada maadama baxaada magaalada ay aad u korortay.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan