Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in ay hub cusub tijaabisay.

0
401

Balaweyne(Radio Beerlula)- Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in hubkan  cusub ay ku xiran yihiin “madaxyo gantaallo oo awood badan”.

Arrintan ayaa noqonaysa markii koobaad ee si rasmi ah loo shaaciyo gantaal la tijaabiyay tan iyo markii uu is afgarad la’aan ku dhammaaday wadahadalkii ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidan oo kale samaysay sannadkii hore, dadka arrimahan indhaindheeyana waxay u arkaan in ay tahay isku day ay Kuuriyada Waqooyi ku doonayso in ay caddaadis ku saarto Maraykanka.

Toddobaadkii hore Kim wuxuu sheegay in Trump looga baahan yahay in uu “wanaajiyo qaabka uu arrinta u wajahayo” si ay wadahadalladu u sii socdaan, ka dib markii uu isfaham la’aan ku soo dhamaaday shirkii ay bishii Feebaraayo yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here