Laba Ciyaartoy Oo Ku Hanjabay Inay Ka Tegi Doonaan Real Madrid Haddii Eden Hazard Yimaaddo

0
460

Baladweyne(Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa la rumaysan yahay in ciyaartoyga ugu horreeya ee saxeexiisa ay ku dhawaaqi doonto inuu noqon doono xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo ay kasoo qaadan doonto Chelsea, kaas oo wararka hordhac ah ay sheegayaan inay hore u gaadheen isfaham buuxa, waxa kaliya ee hadhsana ay tahay in heshiiska la shaaciyo.

Chelsea oo xayiraad laga saaray suuqa iibka ciyaartoyga ayaa filaysa in dhamaadka bishan ay war farxad leh ka hesho rafcaan ay u qaadatay maxkamadda ka garnaqa dacwadaha ciyaaraha, taas oo ilo wareedyadu sheegayaan inay ka qaadday cuno-qabataynta Blues.

Hazard oo laba gool oo mid cajiib ahaa ka dhaliyey West Ham Isniintii ayaa kooxdiisa keenay kaalinta saddexaad, laakiin markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa la waydiiyey sida uu noqon doono mustaqbalkiisu iyo halka uu ka ciyaari doono, waxaanu si kooban ugu sheegay warbaahinta in hal bil ay ka hadhsan tahay xilliga laga hadlayo ee xagaaga, isla markaana uu arrintaas ka hadli doono bisha June.

Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa toddobaadkii hore la wariyey inuu heshiis shaqsi ah la galay Hazard, ayna Chhelsea u direen dalab xambaarsan 80 milyan oo Euro, laakiin Blues ay dalbatay lacag dhan 100 milyan oo Euro.

Sida ay ku warrameen warbaahinta maxalliga ah ee dalka Spain, markii ay wararkani soo baxeen, laba ka mid ah xiddigaha Real Madrid ayaa ku hanjabay inay ka tegi doonaan Bernabeu haddii uu yimaaddo Eden Hazard.

Marco Asensio oo lagu tilmaamo ciyaaryahannada mustaqbalka ee Real Madrid iyo Mateo Kovacic oo haddaba amaah ku jooga Chelsea ayay warbaahinta gudaha Spain baahisay inay u sheegeen Florentino Perez in aanay marnaba xaadir ku noqon doonin Bernabeu haddii uu Hazard yimaaddo.

Si kastaba ha ahaatee, wararka la xidhiidha labadan ciyaartoy iyo heshiiska Hazard ayaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo bisha dhamaadka bishan April iyo bisha dambe ee May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here