Lix ruux oo loo xiray dilka taliyihii booliska gobolka Hiiraan

0
315
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Lix ruux oo iskugu jira afar ka tirsan ciidamada qalabka sida  Soomaaliya iyo labo ruux oo shacabka ah ayaa loo xiray dilkii loo geystay allaha naxariista taliyihii ciidamada booliska gobolka Hiiraan gaashanle dhexe Maxamed Macow Xalane, sida u sheegay guddoomiyaha guddiga loo xil saaray barista kiiskan Col Cali dhuux Cabdi Mahad alle.

Korneel Cali dhuux Cabdi Mahad alle ayaa sheegay in waxgaradka magaalada Baladweyne ay isku afgarteen in la furo jidadka xira si dib loogu soo celiyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here