Maamulka degmada Baladweyne oo shahaado sharaf guddoonsiyay Idaacadda Beerlula.

0
347

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Baladweyne  Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay idaacadda Beerlula isagoo ku amaanay sida  ay bulshada ugu adeegto.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa  sheegay in shahaado sharaftan idaacadda Beerlula ay ku muteysatay sida markasta ay u soo tabiso arrimaha bulshada.

Agaasimaha idaacadda Beerlula Maxamed Cabdi Saney ayaa sheegay in shahaado sharaftan la guddoonsiiyay idaacadda Beerlula ay ku dhiri gelineyso maamulka iyo shaqaalaha idaacadda howsha ay u hayaan bulshada.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here