Maamulka Galmudug iyo Hay’addaha samafalka oo ku shiray Dhusamareeb

0
347

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayo sidii gurmad kala duwan loo gaarsiin lahaa dadka xiligan soo food saartay biyo la’aanta ee ku nool gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Galmudug iyo hay’addaha samafalka ee ka howlgala Galmudug.

Wasiirka gargaarka maamulka Galmudug Asad Badal Cilmi ayaa sheegay in hay’addaha samafalka ay isku afgarteen in wada jir looga qeyb qaato caawinta dadka dhibaateysan iyo in hay’addaha dhammaantood ay xafiisyadooda u soo wareejiyaan magaalada dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here