Maamulka gobolka Banaadir oo gurigooda ku wareejiyay qoys laga heystay

0
293

Baladweyne(Radio Beerlula)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed, si looga hortago wax walba oo keeni kara Caddaalad darro.

Eng Yariisow ayaa furayaasha gurigooda ku wareejiyey qoyska Reer Axmed Xuseen Beexaani oo gurigooda ku yaalla degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Beexaani  kaasoo si sharci darro ah looga haystay.

Guddoomiyaha degmada Shibis Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay isku cadaalad falan.

Warbixintan waxaa noo heysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here