Maamulka iyo shacabka Burtinle oo ka shiray dhismaha wadada dhaxmarta degmadaasi

0
373

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Burtinle  ee gobolka Nugaal ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayo dhismaha wadada laamiga ee Burtinle, waxana ka qeyb galay maamulka degmada, waxgarad iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha guddiga horumarinta Burtinle Cabdulahi Khalif iyo guddoomiyaha degmada Burtinle  Maxamed Maxamuud, ayaa shacabka ka qeyb galay kulanka uga waramay halka ay mareyso dhismaha wadada laamiga ee Burtinle.

Waxgaradka iyo duubaba dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa shacabka ku booriyay inay ka qeyb qaatan dhismaha wadada Burtinle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here