Maamulka iyo waxgaradka Qardho oo ka shiray sidii loo ilaalin lahaa dhulka danta guud

0
363

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Qardho Cabdi Saciid  Cismaan ayaa kulan looga hadlayo ilaalinta deegaanka islamarkana looga  hortagay in si gaar ah dhulka danta guud loo seereysto ama loo ooto, la qaatay waxgaradka degmada Qardho.

Cabdi Saciid dheere ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay isku afgarteen in guddi loo saaro sidii loo seereyn lahaa dhul daaqsimeedka si dadka oo dhan ay uga faa’ideystay isagoo digniin u diray dadka sida gaar ah u oota dhulka danta guud.

Waxgaradka ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in iyagga iyo maamulka ay meel uga soo wada jeestan doona cid kasta oo ku xad gudbeysa dhulka danta guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here