Maamulka xarunta agoonta Ugaas khaliif oo dalbaday in laga caawiyo agabka waxbarashada iyo dib u dhiska

0
341

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulaha Xarunta  agoonta Ugaas khaliif Shariif Aadan amiin   ayaa radio Beerlula u sheegay in xiligan caruurta wax ka barata xarunta  ay heysato baahi dhanka agabka waxbarashada islamarkana loo baahan yahay in laga caawiyo.

Xaruntan oo ku taalla xaafadda Buundo weyn ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa wax ka barta xaruun islamarkana lagu xanaaneeya  caruur  agoon ah oo iskugu jira wilal iyo gabdho.

Sidoo kale Shariif Aadan amiin ayaa sheegay in xarunta ay u baahan tahay dib u dayatcir isagoo ka codsaday dadka muslimiinta inay garab ku siiyaan sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa xarunta islmarkana agab waxbarasho loogu heli lahaa caruurta agoonta.

Qaar kamid ah Caruurta agoonta ah ee  wax lagu baro Xarunta Ugaas khaliif ayaa Codsaday in laga caawiyo agabka ay wax ku bartaan iyo Dhismaha Goobta lagu xanaaneeyo.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here