Macalimiintii ka soo gudbay imtixaankii dowladda oo maanta imtixaan kale looga qaaday Baladweyne.

0
98

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 200 oo macalin oo ka soo gudbay imtixaankii ay ka qaaday Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya islamarkana ka kala yimid degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa maanta imtixaanka wareysiga ama afka ah looga qaaday magaalada Baladweyne.

Guddoonka Waxbarashada gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa imtixaankan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.