Madaxweynaha Atletico Madrid oo ugu dambeyn xaqiijiyey haddii uu xagaagan Antoine Griezmann ku biirayo kooxda Barcelona

0
378

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Enrique Cerezo ayaa sheegay inaysan jirin wax fursad ah oo uu Antoine Griezmann xagaagan ugu biirayo kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka La Liga ee Barcelona.

Inkastoo uu kaliya sanadkii hore mustaqbalkiisa u hibeeyay Atletico laacibka ku guuleystay koobka Adduunka ayaa markale la la xiriiriyey inuu u dhaqaaqi doono garoonka Camp Nou.

Kaddib xilli ciyaareed niyad jab ah oo uu ku qaatay kooxda caasimadda ka dhisan, waxaa la sheegay in Griezmann uu haatan dareemayo in la joogo waqtigii saxda ahaa ee uu ku biiri lahaa kooxo kale haddii uu doonayo inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu ku guuleysto koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

Yeelkeede, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Barcelona ay dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda, hase ahaatee Cerezo ayaa u sheegay kooxda Catalan in ay iska iloobaan sidii ay dalab ugu soo gudbin lahaayeen.

“Ma jiro wax fursad ah oo uu Griezmann ku tagayo xagaaga soo socda, isagu meelna uma soco waxa uu joogayaa Atletico 1000%,” ayuu u sheegay TVE, isagoo intaa raaciyey: “Kuwa tagaya waa ay tagi doonaan, kuwa joogayana waa ay joogi doonaan…”

“Griezmann waa ciyaaryahan Atletico ka tirsan, waxaana uu halkaan sii ahaan doonaa sanado badan, sidaa darteed waa ay fiicnaan lahayd haddii warbaahintu ay meesha ka saarto arrinta…”

Atletico ayaa lumisay dhowaan difaaceeda Lucas Hernandez oo ku biiraya Bayern Munich, kuwaasoo ku qaadana heshiis 68 milyan oo gini ah dhammaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here